Iyadoo Shalay Dagaal U Dhaxeeya Laba Malleeshiyo Beeleed Uu Ka Dhacay Deegaano Hoos TagaDegmada Balan-Bale Ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Ayaa Waxaa Soo Baxaya Baaqyo Loo Jeedinayo Beelaha Ay Dirirtu Halkaas Ku Dhex-martay.
Sheekh Max’ed Shaakir Cali Xasan Madaxda Xukuumadda Gal-mudug Oo Saxaafadda Kula Hadlay Gudaha Magaaalada Dhuusa-mareeb Ee Xarunta Gobolka Gal-Gaduud Ahna Caasimadda Maamulka Gal-mudug Ayaa Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Dagaalkaas.
Ugu Horreyn Sheekh Shaakir Waxa uu Xusay In Uu Aad Uga Tiiraan-yeysan Yahay Dagaal Beeleeeka Kasoo Cusboonaday Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud.
Beelaha Dirirtu Ku Dhex-Mareyso Nawaaxiga Degmada Balan-bale Ayuu Ugu Baaqay In Si Shuruud La’aan Ah Ku Joojiyaan Dagaalka.
Waxa Uu Carrabka Ku Dhuftay In Aysan Jirin Wax faa’ido Oo Haba Yaraatee Uu Leeyahay Dagaalka Taas Badalkeedna Loo Baahan Yahay In Laga Shaqeeyo Sidii Nabad Lagu Helaa Loona Xooji Lahaa Xasiloonida Iyo Deganaanshiyaha Gobolka.
Dagaal Beeleedkii Shalay Ka Dhacay Deegaan Qiyaastii 20Km Dhinaca Galbeed Kaga Beegan Degmada Balan-bal Ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Ayaa Inta La Xaqiijiyey Waxaa Ku Geeriyooday 4-Ruux Oo Dhinacyadii Dagaallamay Ah Halka Qof Kalena Uu Ku Dhaawacmay Dagaalkaasi.
Hoos Ka Dhageyso Codka Sheekh Max’ed Shaakir Cali Xasan:-