Taliyaha Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee Danab, Korneyl Axmed Cabdullaahi Nuur ayaa ka hadlay qorshaha Ciidamada Mareykanka ka jooga ay uga baxayaan dalka Soomaaliya, amarkaas oo uu bixiyay Madaxweyne Donlad Trump.
Taliyaha oo la hadlay BBC-da waxaa uu sheegay in ay adag tahay in xilligaan la helo dowlad kale oo buuxisa booska uu baneeyo Mareykanka oo kaalin muuqata siiya Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab.
Waxaa uu ahdalkiisa uu intaasi ku daray in Mareykanka uu siwyen uga caawin jiray dhinaca Ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab, isla markaana taariikh weyn uu ku leeyahay howlgallada ka socda Soomaaliya.
“ Majiro taariikhda dal lamid ah mareykanka oo caawinaad noocaas ah inta ay noo soo diraan lagu hawlgelin jiray ciidamadeena iyo kaalintii ay ka qaateen dib u dhiska Ciidamada Qaranka ayuu yiri” Taliyaha Ciidanka DANAB.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi uu ku daray in loo darsan doono howlgalladii ay Ciidamada Mareykanka ka wadeen Soomaaliya, hayeeshee dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay cashir ka bartaan in aan kaliya leysku haleen Ciidamo Shisheeye.
In ka badan 700 oo Askari ayaa la sheegay in Ciidamada Mareykanka ay uga sugan yihiin Soomaaliya, kuwaas oo Shaqadoodu tahay duqeymaha loo adeegsado diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee drones-ka, kuwaasoo lagu bartilmaameedsado saldhigyada iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab iyo tababaro ay siiyaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.