Saturday, March 22, 2025
HomeWararAl-shabaab Oo Shaaciyey Magacyada Qaar Ka Mid Ah Raggii Weeraray Guriga C/weli...

Al-shabaab Oo Shaaciyey Magacyada Qaar Ka Mid Ah Raggii Weeraray Guriga C/weli Cali Cilmi yare

Ururka AL-shabab ayaa baahiyay magacyada labo ka mid ah Raggii weerarka ky qaaday Guri uu Magaalada Gaalkacyo ka degganaa Wadaad lagu magacaabi jiray C/Wali Cali Cilmi,kaas oo weerarkaas ku dhintay.

Al-shabaab ayaa sheegay in Ragga weerarka fuliyay uu ka mid ahaa Cumar Cabdullahi Ciise oo 40 jir ahaa,kana soo jeeday Beesha Daarood.

Sidoo kale Ninka labaad ayey Al-shabaab ku sheegeen Maxamed Sh.Nuur Maxamed oo ka soo jeeday Beesha Raxanweyn.

weerarkii ka dhacay Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 20 Qof oo u badan Xerta wadaadka la weeraray oo laftiisa ku dhintay weerarkaas.

Al-shabaab ayaa inta badan faafisa Magacyada dadka is qarxiya marka ay weerarka geystaan kaddib.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe