Thursday, March 28, 2024
HomeDhageysiDhageyso:-Guddoomiye Ku Xigeenada BJFS Oo Ka Hor Yimid Mooshinka Laga Keenay MadaxweyneFarmaajo

Dhageyso:-Guddoomiye Ku Xigeenada BJFS Oo Ka Hor Yimid Mooshinka Laga Keenay MadaxweyneFarmaajo

Cabdiwali shiikh Ibraahim Muudey gudoomiye ku xigeenka golaha shacabka oo ka hadlayay mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa sheegay in wixii ka dhasha uu qaadi doono Gudoomiye Mursal.

Muudey ayaa tilmaamay in aan sahlaneen Mooshin ama eed loo jeediyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka, maadaama uu yahay mas’uulka koowaad ee dalka.

Xeerka iyo sharciga u yaalla Golaha Shacabka ayuu sheegay in ay ku dhaqmayaan oo ay raacayaan, sharcigane uu ka weyn yahay qofka.

Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacbaka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Gudoomiye Mursal uu ugu digay in uu ku fududaado qabashada Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha iyo Xasaanad ka qaadista Xildhibaan.

Cawad waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu ugu digay khatarta ka imaan karta Qaraarada Golaha Horyaalla.

Mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiyihi hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sh.Cismaan Jawaari ayuu sheegay in ay saameeyay howlaha golaha, kana dhalatay in Xildhibaanada ay ku kala qaybsamaan.

Baarlamaankii 9-aad ee kan ka horeeyay waxa uu Mahad sheegay in ay ku kala qaybsameen Mooshin laga gudbiyay Madaxweynihii waqtigaas, muddo 6-bilood ahne aan shaqo qabsan.

Dowladda ayuu sheegay in aysan lahayn Shuruucdii iyo Hay’adihii ka go’aan gaari lahaa Mooshinka Madaxweynaha iyo Xasaanad ka qaadista Madaxweynaha.

Saacadihii lasoo dhaafay Magaalaada Muqdisho waxaa ka dhacay Kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka, si ay kaga arrinsadaan Guuxa Siyaasadeed ee soo baxay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye Muudey:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe