Tuesday, March 18, 2025
HomeBarnaamijyadaCumar Finish Oo Bilaabay in DF uu Kala Hadlo Maqaamka Muqdisho.

Cumar Finish Oo Bilaabay in DF uu Kala Hadlo Maqaamka Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha Dastuurka Soomaliya Mudane; Saalax Axmed Jamac ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane; Cumar Maxamuud (Filish).

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha dib u eegista dastuurka gaar ahaan maqaamka caasimadda Muqdisho ay ku dhex yeelanayso nidaamka Federaalka.

Guddoomiyaha ayaa lasiiyay warbixin ku saabsan noocyada maqaamka Caasimadda ee ka jira dowladaha federaalka Dunida, si aragti mid ah looga qaato.

Guddoomiyaha ayaa ka mahadceliyay warbixinta tifaftiran ee loo soo bandhigay waxa uuna ballan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka islamarkaana dadka deggan caasimadda ay diyaar u yihiin in ay aragtidooda ku biiriyaan howlaha ka socda Dastuurka.

Wasiirka dastuurka Mudane; Saalax Ahmed Jaamac, ayaa bogaadiyay sida maamulka Gobolku ay waqtigooda usiinayaan arrimaha masiiriga ah ee Dalka gaa rahaan Dastuurka.

“Dastuurku ma ahan wax wasaaradda dastuurka kaliya kuxiran balse waa waxyaabo 80% quseeya hay’adaha Dowladda ee kala duwan, waana in ay aragti kakeenaan aagaga ay hay’ad walba ku howlantahay, tusaale waa in wasaaradda caafimaadku ay aragti ka keentaa sida loo maamulayo caafimaadka, waxbarashada sidoo kale waana in ay ku salaysnaataa cilmibaaris” ayuu yiri wasiirka Dastuurka mudane Saalax Ahmed Jaamac.

Wasaaradda Dastuurka aya wada howlo muhiim ah Arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka waxayna kulamo shaqo oo badan horey ula yeelatay, lana yeelan doontaa hay’adaha kala duwan ee dowladda kuwaa oo udub dhexaad u ah arrimaha geedisocodka dib-u-eegistadastuurka.

Arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed si loogu daro dastuurka ayaa waxaa loga doodidoonaa banbax howleed ballaaran oo ay wasaaraddu la yeelan doonto Golaha Wasiirrada si aragti midaysan looga yeesho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe