Home Warar AKHRISO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka Warbixiyay Howlgalada ka socda Gobolada Dalka

AKHRISO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka Warbixiyay Howlgalada ka socda Gobolada Dalka

329

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka SoomaaliyeedDaahir Aadan Cilmi Indhoqarshe ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay meelo badan oo Dalka ka mid ah ka wadaan dagaalo guulo laga gaaray oo deegaano ay Shacabka ku dhibaateyn jireen Alshabaab lagala wareegay.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamo badan ay Tababaro soo dhamesyteen isla markaana la qalabeeyay isagoo tilmaamay inay u diyaar u yihiin difaaca dadkooda.

Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe ayaa fariin u diray Al-shabaab  isagoo ugu baaqay inay ka waantoobaan dhibaatada ay Shacabka ku hayaan.

“Sabab qof Muslim ah dhiigiisa lagu baneysto ma jirto waxaan leeyahay Dhalinyarada la qalday ee ku jira nabad diidka Al shabaab ka waantooba daadinta dhiiga Shacab aan waxba galabsan kana soo baxa argagaxisada hadaad diidaan Ciidanka Xoogga Dalka wuu diyaarsan yahay wuuna idin la dagaalamayaa siduu horeba idin kula dagaalamayay”.ayuu yiri Taliyaha.

Ciidamada Xoogga Dalka ayuu kula dardaarmay inay shacabka si dhow ula shaqeeyaan meelaha ay Al shabaab kala wareegaan maadaama ay dhibaato kala kulmijireen Al-shabaab Sida uu Hadalka u dhigay.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Tilmaamay in  Al-shabaab laga xoreeyay goobo badan oo ka tirsan gobolada Dalka isagoona sheegay in dhawaan dalka oo dhan laga saari doono, wuxuuna xusay in la kordhiyay tababarada iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.