Soomaalida iyo Booranta dega Kenya ayaa heshiis nabad ka gaaray dagaal dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku dhexmarayay Gobolka Soomaalida ee ay KenyaMaamusho.
Dagaalka ayaa intiisa badan u badnaa xoolo la kala dhacayay,dhul beereed la isku heystay iyo sohdinta labada dhinac.
Labo Maalmood oo la siinayay Siminaar looga hadlayay nabadda iyo faa’idada ay leedahay ayaa waxaa ugu dambeyn heshiis kala saxiixday 50 Oday dhaqameed oo labada  dhinac ka kala socday.
Ugu yaraan Shan Qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay,halka Boqolaal qoys ay ku barakaceen intii ay socotay colaadda u dhaxeysay labada dhinac.
Waxyaabaha laga heshiiyay waxaa ka mid ah in la isu celiyo xoolaha la kala dhacay, in meelaha la dejinayo dadka qaxootiga ah aan lagu murmin,in colaadda la joojiyo iyo qodobo kale.
Somo Roba, oo ah Oday dhaqameedka u hadlay Booranta ayaa ugu baaqay Soomaalida in ay dhowraan xabad joojinta iyo heshiiska la kala saxiixday isagana dhinaciisa uu si wanaasgan u fulinayo.
Xaamud Sheekh Maxamed oo isna dhinaca Soomaalida hoggaaminayay ayaa sheegay in heshiiska kaddib odayaasha labada dhinac ay yeelan doonaan kulamo joogto ah lana sameynayo guddiyo ka shaqeeya ilaalinta heshiiska.
mas’uuliyiinta Maamullada Soomaalida iyo Booranta ee ku jira Dowladda ayaa ka qeybgalay heshiiskaas,waxaana ay labada dhinac ka codsadeen in heshiiskaas si rasmi ah loo dhaqan geliyo.