Home Warar Saraakiisha Ciidamada Galmudug Oo Looga Wacay Dhuusa-Mareeb

Saraakiisha Ciidamada Galmudug Oo Looga Wacay Dhuusa-Mareeb

301

Saraakiil Katirsan Ciidamada Booliska Galmudug Ee Kusugan Magaalada Cadado iyo Kuwa 21-aad Ee Milatariga Soomaaliya ayaa Looga Yeeray Magaalada Dhuusa Mareeb Ee Caasimada Maamulka Galmudug Sida ay Xaqiijiyeen Qaarkamida Saraakiisha Booliska Maamulka Galmudug Ee Caddaado Kusugan.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Caddado Xuseen Cumar Muumin Oo aan Qadka Taleefanka Kula Xariiray ayaa sheegay In Saraakisa Looga Wacay Magalada Dhuusa Mareeb Oo Kulanka Wada Tashi ah Looqabanayo Dhamaan Saraakiisha Kahawl Galada Degmooyinka Galmudug.

Taliyaha ayaa Beeniyay War-sheegayay in Ciidamada Booliska iyo Kuwa 21-ad Ee Milatariga Soomaaliya Ee Fadhigoodu yahau Cadaado in Loowareejinayo Magalada Dhuusa-Mareeb Waxa uuna Carabka Ku adkeeyay in Saraakiisha Oo Kaliya Looga Wacay Caasimada Maamulka Galmudug.

Xusen Cumar Muumin Taliyaha Ciidamada booliiska Degmada Cadaado Ma uusan Xaqiijin Waqtiga ay Baxayaan Saraakiisha iyo Waxyaabaha uu Salka Kuhayo Kulanka Dhuusa Mareeb Loogu Qabanayo Dhamaan Saraakiisha Ciidamada Kahawl-gala Galmudug.

Warar Hoose Oo aan Helayno ayaa Sheegaya in Saraakiisha Lagala Tashanayo in Dagaal Lagu Qaado Deegaanada Al-shabaab ay Kaga Suganyihiin Galmudug iyo Sidii Ciidamo Loogu Diri Lahaa Deegaanada Dhaca Koonfurta Gobolka Mudug Kuwaasi Oo dhawaan Duqamo Lala Eegtay Saldhigyo ay Kulahaayeen Al-shabaab Hase ahaatee Lamahayo Xaaqiiqada Dhabta Ah Ee Kulan Saraakiisha Looga Hadlayo.

Sikastaba Dhawaan ayay ahayd Markii Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf Ee Xildhibaanada Kusugan Caddado ay sheegeen inay Xilkii Kaqaadeen uu Kudhawaaqay in Dagaal Lagu Qaadayo Deegaanada Al-shabaab ay Kaga Suganyihiin Galmudug Gaar ahaan Kuwa dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.