Madaxweynaha maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee Maanta dib ugu soo laabtay Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kadib safar maalma qaatay oo uu ku tegay Imaaraadaka Carabta.
Madaxweyne Gaas ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Boosaaso waxa uu ku faah faahiyey ujeedadii u u tegay Imaaraadka iyo kulamadii uu la soo qaatay madaxa Imaaraadka Carabta.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Cabduweli Gaas in sababta isaga iyo Wafdigiisa ay u tageen Dalka Imaaradka Carabta ay ahayd arimo laxiriira Amniga Puntland iyo Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland , waxaana uusheegay in wadahadaladii ay layeesheen Imaaraadka uu guul ku soo dhamaaday .
Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta uu kala hadlay wixii kaga aadanaa dhexdhaxaadinta khilaafka u dhexeeya dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta.
Ugu dambeyn gaas ayaa ka hadlay fatahaada qaar ka mid ah gobolada dalka uu ka geysta Wabiga Shabeelle,isaga oo shegay in ay ka qeyb qaadan doonaan gurmad loo sameynayo dadkaas.
Halkaan ka dhagayso: