Qaban-qaabadii ugu Dambaysay Qabashada Xaflada Caleemo Saarka Madaxwaynaha Maamulka Putland Siciid C/llahi Dani ayaa Kasocota Magaalada Garoowe Ee Caasimada Putland.
Mamusuuliyiin Farabadan ayaa Kuqulqulaya Garoowe si ay uga Qayb Galaan Xafkada caleema saarka Dani Waxaana Masuuliyiinka Hada Kusugan Garoowe Kamida Madaxwaynaha Soomaaliyaha Maxamed C/llahi Farmaajo Madaxwaynayaashii Hore Ee Dlaka Xasan Shiiq Maxamuud iyo Shiiq shariif shiiq Axmed Oo Labadoodaba Xiligaani ah Hogaamiyayaasha Xisbiyo Mucaarad Oo dhawaan La,aasaasay,Gudoomiaha Aqalka sarre Ee Baarlamaanka Soomaaliya ,Gudoomiye Kuxigeenka Aqalka Hoose Ee Baarlamaanka soomaaliya,Madaxwaynaha Koonfurgalbeed Laftagreen,Madaxwaynaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe,Hogaamiyaha Hirshabeele, Axmed Ducaale geele Xaaf iyo Hogaamiyaaha Mucaaradkaa C/raxmaan Cabdi shakuur.
Dhamaan Masuuliyiintaan Waxa ay doonayaan in ay Kawada Qayb Galaan Munaasabada Caleema saarka Madaxwaynaha Putland Masuuliyiin isku Caraysan Oo aan Kulmi Karin ayaana Madal Qura Markaan Soowada Fariisan Doona.
Waxyaabaha isha Lagu handoono inata aysocoto Munaasabada Caleema saarka Waxaa Kamida Qodbadaha Lafilayo in ay Madasha Kajeediyaan Hogaamiyaasha Xisbiyada Mucaaradka iyo Mucaafadka Oo Mid Walba Diyaar Xisbigiisaa uu Kadajiyay Gegada Diyaaradaha Magaalada Garoowe Ee Caasimada Putland.
Waxaa fikradbadan u Baahnaan Doontada Xulashada Qodbadaha iyo Siyaasiyiinta ay Tahay inay Jeediyaan iyo Xakamaynta Kodbadaha Kulkulul Ee Laga yaabo inay Goobta Kajeediyaan Hogaamiyayaasha Mucaaradka.
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed c/llahi Farmaajo ayaa Markiisii ugu Horeeyay Fool kafoola u Wajihi doona Siyaasiyiinta ugu wayn Ee Mucaaradka Ku ah Dawladiisa Walow Horay Hadalo iska Soohorjeeda ay Saxaafada isku Mariyeen Siyaasiyiinta Mucaardka iyo Muaxaafadka.
Inta Badan Xaflada ayaa Lafilaya in Qodbadahooda ay Kusalaysnaadaan Bogaadinta iyo Caleema saarka Madaxwaynaha Maamulka Putland Hase waxaa laga Cabsi Qaba in siyaasiyiinta Mucaaradka ay Qudbadahooda Kusooqaataan Arimo Xaasaasi ah Oo Keeni Kara Jawaaba inay Kagayimaadaan Dhina Dawlada Oo Madaxwaynihii Qaranka Goobjoog u noqondoono Qodbadaha Mucaaradka Kasoohorjeeda Dawladiisa.