Home Dhageysi AKHRISO:-Puntland oo Xaraashaysa Xarunta Baarlamaanka Maamulkaasi

AKHRISO:-Puntland oo Xaraashaysa Xarunta Baarlamaanka Maamulkaasi

211

Sida aan xogta ku helayno Xildhibaanada Golaha wakiilada Puntland ayaa ansixiyeen in la iibiyo xarunta ay hadda ku shaqeeyeen oo ku taalla bartamaha Caasimada Puntland ee Garoowe.

arintaan aya ka dambeysay sida xogaha ay tibaaxayaan kadib soo jeedin ka timid guddoonka baarlamaanka Puntland, kadibna la horgeeyey xildhibaanada oo meel-mariyey.

Guddoonka golaha wakiilada Puntland ayaa kulankii shalay la xaqiijiyay in uu u gudbiyay Xildhibaanada qoraal codsi ah oo ku aaddan in la iibiyo xarunta Baarlamanka, isaga oo sababta ku sheegay arrimo amni, maadaama ay haatan xarunta ku dhex-taallo xaafado ay dagan yihiin shacab.