Wednesday, June 24, 2026
HomeWararAkhriso:- Maxuu Ku Saabsan Yahay Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Ee Maanta

Akhriso:- Maxuu Ku Saabsan Yahay Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Ee Maanta

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay inay soo xaadiraan kulanka waqtigii loogu tala galay, si uusan u imaan dib u dhac.

Ajendaha kulanka inuu yahay sii wadista codeyn ansixin oo hordhac u ah wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka.

Xildhibaanada oo Isniintii kulan yeeshay ayaa waxa ay dood kulul ka yeesheen xeerkan.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doona guddoomiyaha baarlamaanka golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyada oo ay goobjoog ka noqon doonaan kuxigeenadiisa.

Ciidamada booliska ayaa sida caadada aheyd waxa ay xireen wadooyinka ku dhaw xarunta baarlamaanka, waxayna baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan gaadiidka yar yaree halkaasi maraya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe