Sunday, March 15, 2026
HomeWararDEGDEG:- Wariye Farxiyo Mire Oo Lagu Dhaawacay Muqdisho.

DEGDEG:- Wariye Farxiyo Mire Oo Lagu Dhaawacay Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Muqdisho, ayaa sheegaya in goordhaw ay kooxo hubeysan toogteen Gabar wariye ah oo ka tirsaneed Warbaahinta Dawladda.

Dad Goobjoogayaal aha yaa sheegay in Wariye Farxiyo Mire Maxamuud oo ka Shaqeyneysay Warbaahinta Dowladda ay dhaawaceen kooxo ku hubeysnaa bastoolado.

Wariye Farxiyo Mire Maxamuud, ayaa waxaa la sheegay in ragaan hubeysan ay laba xabadood ku dhufteen, kadibna ay goota ka careen, waxaa gabadha oo dhaawac ah loo la  cararay isbitaalada Muqdisho.

Wariye Farxiyo Mire Maxamuud, waxaa ay ka howlgaleysay Warbaahinta Dawladda gaar ahaan Telefishinka Qaranka (SNTV) iyo Radio Muqdisho.

Wixii ku soo kordha Halkaan ,kal Soco:

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe