Tuesday, November 5, 2024
HomeWararAKHRISO:- Madaxweyne Gaas Oo Weerar afka ah ku qaaday Dawladda Soomaaliya.

AKHRISO:- Madaxweyne Gaas Oo Weerar afka ah ku qaaday Dawladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Khudbad ka jeediyay Shirka maamul goboleedyadda ee ka socda Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ay hareermarayso qodobo badan oo horay loogu heshiiyay.

Madaxweyne Gaas oo ah Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda ayaa sheegay in hadda Soomaaliya ay u baahan tahay in la sameeyo isbadel dhan walba ah,laakiin aan lagu Mashquul waxyaabo aysan dani ugu jirin Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Gaas ayaa yiri” dowladnimadda  waxa ay kusoo aruurtay Facebook Maanta”

Waxaa uu si aad ah ugu dhaliilay Madaxda Soomaalida in ay waqti badan ku bixiyaan Baraha Bulshadda,taasina ay sii kordhin doonta Xumaanta sidda uu sheegay Gaas.

Gaas ayaa sheegay in la doonaayo in aan dib loogu laaban waxyaabihii laga soo gudbay, islamarkaana maamul goboleedyadda ay doonayaan in ay la socdaan waxyaabaha ay sameynayso dowladda Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe