Madaxda sare ee Maamulka Galmudug, oo uu ka dhaxeeyo khilaaf siyaasadeed ayaa ku sugan magaalada muqdisho, si loo dhex-dhexaadiyo loona dhameeyo khilaafka.
Mas’uuliyiintaan oo maalmihii danbe ku sugnaa magaalada muqdisho, ayaa kulamo la qaatay wax garadka ka soo jeeda galmudug oo ku howlan sidii loo damin lahaa khilaafka ka dhex-jira madaxda sare ee Galmudug
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda wadda dadaalo lagu xalineyso khilaafka u dhaxeeya hoggaanka sare ee maamulka Galmudug, kaasi oo marba marka ka dambeysa uu cirka isku sii shareerayo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxmed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan La qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, kuxigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir , waxaana uu kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka dhaxeeya madaxda sare ee Galmudug.
Wararar hoose oo laga helayo Villa Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweyne farmaajo uu labada garab u soo jeediyay in khilaafkooda ay xaliyaan, iyada oo uu tilmaamay in dowladdiisu ay la garab taagan tahay wax walba oo lagu xalinayo khilaafka.
Wararku waxaa ay sheegayaan In Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducalle Geele Xaaf, uu Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay cabasho ka dhan ah Dawladda dhexe, taas oo lagu sheegay in Galmudug ay tuhunsantahay in Dawladda Dhexe, ay ku lug leedahay khilaafka u dhaxeeya hoggaanka sare ee Galmudug.
Waxaa sidoo kale Madaxweyne Xaaf uu gudbiyay Madaxweyne Farmaaj in laga dayo faragalinta, loona madaxbaneeyo ayaaha Galmudug si madaxda sare ay u xaliyaan khilaafkooda.
Dhanka kale Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxmed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir oo garab ahaa ayaa beeniyeen Waraka ay Madaxda Galmudug ku tuhmayaan Dawladda Dhexe, ayagoo sheegay in madaxweyne Xaaf oo doonayo inuu is ticmaalo ku tagri fal awoodeed, sida ay hadalka u dhigeen.
Tan iyo markii u bilaawday khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee galmudug, ayaa waxaa midba midka kale ku eedeynayaa inuu burburiyay qodob ku jira destuurka gfalmudug.
lama oga Waxa uu ku danbeyn doono khilaafka galmudug, waxaana imika socda dadaalo lagu dhex-dhexaadinayo madaxda sare ee galmudug, kaa oo sidii lagu damin lahaa ay ku hawlanyihiin dhawladda dhexe, beesha caalamka iyo wax garadka ka soo jeeda Galmudug.