Wednesday, January 22, 2025
HomeWararAskar Kenyan ah oo ku dhintay qarax lala eegtay

Askar Kenyan ah oo ku dhintay qarax lala eegtay

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degaanka Libooyo qarax khasaare gaystay ayaa lala eegtay ciidamada Kenya.

Qaraxan ayaa ciidamada Kenya lagula eegtay duleedka Degaanka Libooyo, ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen 5 ka mid ah ciidamada Kenya.

Gaari ay saarnaayeen ciidamada Kenya ayuu qabsaday qaraxaan, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo kala duwan oo ciidamada Kenya soo gaaray.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxan ayaa waxa ay sheegeen inay dileen 5 askari oo ciidamada Kenya ah, halka sidoo kale ay sheegteen inay qaraxaasi ku dhaawaceen todobo askari.

Xoogaga Shabaab ayaa inta badan qaraxyada miinooyinka iyo weerarada dhabagalka ah waxa ay u dhigaan ciidamada Kenya ee ku socdaala inta u dhaxeysa degaanka Libooya iyo Mandera.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe