Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise ayaa kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.
Kulanka oo ka dhacay Xarunta wasaaradda arimaha dibada Soomaaliya ee Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa loog hadlay wadashaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey , ee arrimaha siyaasadda, nabadgelyada iyo dhaqaalaha sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda arimaha dibada Soomaaliya.
“Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan”.
“waxa uu kala hadlay wadashaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey , arrimaha siyaasadda, nabadgelyada iyo dhaqaalaha” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidookale Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Doorashada 2021-ka,Hormarinta Soomaaliya iyo Wadahadalada Soomaalida dhaxdeeda ah oo Swan uu sheegay in muhiimad gooni ah ay leedahay.