Thursday, April 23, 2026
HomeWararDibaddaWadooyinka qaar oo aan la mari karin kadib roob lixaad leh oo...

Wadooyinka qaar oo aan la mari karin kadib roob lixaad leh oo ka da’ay magaalada Muqdisho.

Roob mahiigaan ah ayaa hakad galiyay isu socodkii gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada Muqdisho, kadib markii gaadiidku ay mari waayeen qaar ka mid ah wadooyinka magaalada oo daad qaaday. Roobab xooggan ayaa socday muddo 10 saacadood ah taasoo saameyn xun ku yeelatay wadadii magaalada iyo isu socodkii gaadiidka kadib markii ay biyo buux dhaafiyeen wadada.

Qaar ka mid ah Darawalada Gaadiidka Caasimadda ayaa u sheegay Warbaahinta gudaha in Wadooyinka qaar ay noqdeen kuwo aan la mari karin kadib Roobab xoogan oo saacado badan ka da’ayay Magaalada Muqdisho.

Wadayaasha gaadiidka ayaa warbaahinta gudaha sidoo kale u sheegay in inta badan wadooyinka isku xira xaafadaha ay saaka noqdeen kuwo biyo fariisin ah oo curyaamiyay shaqada islamarkaana ay ku qasban yihiin in ay guryahooda iska joogaan.

Waxaa jira wadooyin la mari karo iyadoo gaadiid badan ay bilaabeen in ay maraan wadooyinkaas taasi oo keentay saxmad iyo ciriiri maadaama wadooyinka kale ay biyo fariisinayaan roobabka da’aya awgeed. Dadka qaar ayaa bilaabay Mootooyinka Bajaajta ee ka shaqeeya wadooyinka qaar.

Wadooyinka fara ku tiriska ah ee aan biyaha lahayn ayaa waxaa ka jira saxmad badan oo ay adag tahay in si sahal ah loo maro,sababta oo ah waxaa jira gaadiid badan sida uu Atiqbal u xaqiijiyay ilo kala duwan.

Soomaaliya ayaa horay waxaa ugu dhufatay fatahaado ay ku dhinteen tobanaan qof, boqolaal kun oo kalena ay isaga carareen guryahoodii, ka dib roobab mahiigaan ah oo dalka hareeyay.

Inta badan marka uu roobku da’o waxaa jira wadooyin la og yahay in ay biyo fariistaan ​​taasi oo keenta saxmad maadaama dadka kale ay isticmaalaan wadooyin kale marka ay da’aan roobabka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe