Friday, July 3, 2026
HomeWararDibaddaMadaxweyne William Ruto oo Digniin culus kasoo saaray Dibadbaxyada

Madaxweyne William Ruto oo Digniin culus kasoo saaray Dibadbaxyada

Madaxweynaha Kenya William Ruto oo digniin adag u jeediyay mucaaradka ayaa sheegay “in dibedbaxyo aysan ka dhici doonin dalka, midkii ay u qorsheeyeen Arbacada ma dhici doono.”

Waxa uu taageerayaashiisa kula hadlayay magaalada Naivasha ee bartamaha Kenya, labo maalmood kaddib markii ugu yaraan 10 qof ay ku dhinteen iska horimaadyo dhexmaray dibadbaxayaal iyo ciidamada ammaanka.

Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa billaabay dibadbaxyo xiriir ah oo looga soo horjeedo kororka canshuurta, oo ay ku jirto in la laba jibbaaro canshuurta laga qaado shidaalka, taasoo la saxiixay bishii hore.

“Doorashadii waxay dhammaatay 9-kii Agoosto ee sannadkii hore, ma raadin kartaan hoggaanka dalkan adigoo isticmaalaya dhiigga muwaadiniinta, dhimashada muwaadiniinta iyo burburinta hantida,” ayuu yiri Mr Ruto.

Sida dastuurku dhigayo dadka mudaharaadka abaabulaya waa in ay maamulka u sheegaan waxa ay damacsan yihiin, laakiin madaxweynuha ayaan awood u lahayn in uu mudaharaadyada mamnuuco.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe