Friday, July 3, 2026
HomeWararDibaddaCiidanka Danab oo howlgal qorsheesan ka fuliyay Budbud kuna bur buriyay keyd…

Ciidanka Danab oo howlgal qorsheesan ka fuliyay Budbud kuna bur buriyay keyd…

Ciidanka milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab, ayaa howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud, halkaas oo fariisimo ku lahaayeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska Danab XDS G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal ka fuliyeen deegaanka Budbud , ayna halkaasi ku bur buriyeen fariisimihii Al Shabaab.

Waxa uu sheegay taliyaha intii ay hawlgalka wadeen ciidamada Danab in ay ku bur buriyeen goobo ay ku kaydsanaan sunta iyo alaadaha kale ee ay Al Shabaab ka sameeyan walxaha qarxa iyo goobo kale oo keyd hub u ahaa.

Deegaanka Budbud oo bilooyin kahor ciidanka dowladda qabsadeen ayaa dib ugu laabtay gacanta Al Shabaab , kaddib weerar xooggan oo Al Shabaab ku qaadeen xeryo deegaankaasi ku lahaayeen ciidanka dowladda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe