Sunday, May 31, 2026
HomeWararCiidamo kawada tirsan Dowladda oo ku dagaalamay Dhuusamareeb

Ciidamo kawada tirsan Dowladda oo ku dagaalamay Dhuusamareeb

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa GorGor iyo Ciidanka Booliiska ee ilaaliya xarunta degmada iyo baraha koontarool ee ku dhaw.

Ciidamada Gorgor ayaa sida ay wararku sheegayaan kahor yimid howlgal ciidamada booliska ay wadeen kaas oo ku saabsanaa la dagaalanka maandooriyaha, sidaasna uu ku biloowday iskudhaca labada ciidan.

Dagaalka oo wali ka socda bartamaha Dhuusamareeb ayaan la ogayn qasaaraha ka dhashay, hasa ahaatee warar horudhac ah ayaa shegaya In dhawaca qarkamid ah askarta la garsiiyay isbitalka Dhuusamareeb.

Dagaalka ayaa saameeyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Magaalada Dhuusamareeb, iyada oo Bulshada qeybaheeda kala duwan ay walaac ka muujiyeen dagaalka.

laamaha Amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaan weli wax war ah kasoo saarin dagaalka, waxaana Ciidamada Gorgir lagu eedeeyay in maalmihii la soo dhaafay rasaas kor u ridayeen taas oo Bulshada khalqal gelineysay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe