Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddoonka Guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland).
Waxa ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo u diyaar garowga doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Gobollada waqooyi.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mas’uuliyiintan ku bogaadiyay doorkii ay ku lahaayeen in ay si guul ah ku soo dhammaato doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi (Somaliland) ku matalaya Golaha Aqalka Saree e BFS, halka ay dhankooda uga mahad celiyeen kaalintii wanaagsaneyd ee Ra’iisul Wasaaruhu ka qaatay howshaas.
Rooble ayaa kala hadlay Madaxdaan in ay mar kale muujiyaan tanaasul iyo dardargalinta kuraasta Aqalka Sare.

