Sunday, May 3, 2026
HomeWararXildhibaanada Jubbaland oo ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland

Xildhibaanada Jubbaland oo ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee Jubbaland

Kulan ay maanta yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa lagu ansixiyay Golaha wasiirada Cusub ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxaemd Islaam.

Kulanka ayaaa soo xaadiray 51 mudane oo Baarlamaanka Jubbaland ka tirsan, waxaana ansixiyay Xukuumadda Cusub 50 xildhibaan wax diiday majirin waxaana Ka aamusay 1 xilibaan oo kaliya sidaasna waxaa ugu dhawaaqay in xukuumadda Cusub ansax tahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa magacaabay 20-kii Bishii May Golihiisa wasiirada oo ka kooban, Wasiiro wasiir ku-xigeeno & wasiiru dowlayaal kuwaas oo haatan si rasmi ah u shaqo bilaabi doona kadib markii la dhaariyo maalmaha soo socda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe