Thursday, April 25, 2024
HomeWararMadaxweynaha Somaliland oo la kulmay Madaxweynihii hore ee dalka Sierra Leone

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Madaxweynihii hore ee dalka Sierra Leone

Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta  kulan gaar ah ku qaabilay madaxweynihii hore ee dalka Sierra Leone Mr. Ernest Bai Koroma oo ka mid ahaa wufuuddii caalamiga ahaa ee goobjoogayaasha ka ahaa doorashooyinkii wakiillada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomay 31-May-2021.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ku bogaadiyey madaxweynaha hore ee Sierra Leone  imaansha uu ku yimid Somaliland ee uu ku soo taabtay xaqiiqadda dhabta ah ee ka jirta ee dhinacyada horumarka, nabadgelyada, Dimuquraaddiyadda, wada-noolaanshaha, wada-jirka shacbiga iyo xukuumadda.

Madaxweyne Ernest Koroma waxa uu xusay in uu indhihiisa ku soo arkay bulsho bisil oo waayo arag u ah arrimaha doorashooyinka oo safaf dhaadheer ugu jira sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen iyagoo kala aragti duwan oo kala xisbiyo ah.

Waxaanu madaxweynaha soo gaadhsiiyey warbixinta ay soo saareen goobjoogayaasha doorashooyinka isku sidkan ee wakiilada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomay Isniintii ina dhaaftay.

Kulankan oo gaar u ahaa labada madaxweyne,  ayaa ahaa mid ay ku lafo gureen qodobbo dhawra oo ay ugu muhiimsanaayeen arrimaha qaaradda Afrika.

Ugu danbayntiina madaxweynuhu waxa uu madaxweynaha hore mid mid u dul geeyey sawirrada madaxweyneyaashii  soo maray Somaliland iyo kuwo kale oo ka turjumaya taariikhda Somaliland oo ay ka mid yihiin qalcadda taariikhiga ah ee Talleex iyo goobo kale oo muhiimad gaar ah leh.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe