Alshabaab oo maanta fasaxday 159 odey
159 ruux oo isugu jira odayaal iyo ergadii soo xushay xildhibanada baarlamanka Somaliya ayaa maanta Al shabaab ku fasaxeen deegaanka Buqaqable ee gobolka Hiiraan halkaas oo la isugu geeyay maalmihii lasoo dhaafay
Warbixin Al-shabaab kasoo baxday ayaa lagu sheegay in Dowlad Goboleedyada Jubaland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ay iska diiwaangeliyeen Odayaashaas, kuwa Maamulka Puntlandna Taleefan loogu qabtay Towxiidka sida ay sheegeen AL-shabaab.
Al-shabaab ayaa sidaan u kala qeybiyay liiska deegaanada ay ka yimaadeen
Jubaland: 33 Oday dhaqameed.
Hirshabeelle 53 Oday dhaqameed.
Koofur Galbeed 40 Oday dhaqameed.
Galmudug 33 Oday dhaqameed.
Shabaab ayaa tilmaamay in odayaasha Puntland ay isku diiwaangalsheen qadka talefanka balse ma shaacin tiradooda

