Re’iisul wasaraaha Britain, Theresa May ayaa sheegtay inay is-casili doonto kadib markii ay saddex goor ku guul darreysatay inay xubnaha baarlamanka ka dhaadhiciso heshiiskeeda Brexit.
Waxay tiri “waxaan maanta ku dhawaaqayaa in aan iska casili doono hoggaaminta xisbiga Conservative-ka laga billaabo 7-da June”
Hadal ay jeedisay iyada oo ilmeynaysa ayeey tiri “weligey waan ka shalayn doonaa inaan awoodi waayay heshiis Brexit inaan u keeni waayo dalka”

