Monday, April 13, 2026
HomeWararYemen oo la gaarsiiyay tallaalka Covid 19

Yemen oo la gaarsiiyay tallaalka Covid 19

Dalka Yemen oo siweyn u harreeyeen dagaal iyo colaado saameyn weyn ku yeeshay dadka rayidka ah ayaa la gaarsiiyay tallaalka Covid 19

Tallaalkan la gaarsiyay Yemen ayaa imanaya xili dowladda dalkaasi ay ka digtay in xaalad caafimaad ba’an oo ay wajahayaan dadka dalkaasi ku dhaqan gaar ahaan marka la eego saameynta uu ku yeeshay cudurkan safmarka ah ee Covid 19.

Waxaa lagu waramayaa in qeyb ka mid ah halkii milyan ee tallaalka AstraZeneca ee loogu talagalay dalkaasi uu gaaray dekedda koonfureed ee Cadan.

Isbaheysi uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa la dagaalamayay fallaagada Xuutiyiinta Yemen muddo lix sano ah, si ay dib ugu soo celiyaan dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee madaxweyne Abdrabbuh Mansur Hadi.

WHO, ayaa sheegtay in tallaaladan ay noqonayaan kuwa wax ka tara dhibaatada ba’an ee arimaha bani’aadannimo ee adduunka haatan ka jirta.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe