Cabdirashiid Janan ayaa si rasmi ah u shaaciyay sababaha aay isku khilaafeen madaxweyne Axmed Madoobe inay tahay inuu isaga kaliya jecel yahay inuu noqdo qofka ugu sareeyo iyo qofka ugu hooseeyo ee Jubbaland, isla mar ahaantaana uusan ogoleyn qof kale inuu wax ahaado, waa sida uu hadalka u dhigay Cabdirashiid Janan wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland.
Eedeynta kulul ee kasoo yeertay Cabdirashiid Janan ayaa imaaneysa xili dhawaan dowladda Soomaaliya aay keentay magaalada Muqdisho kadib heshiisyo aay wada galeen isaga iyo dowladda Soomaaliya.

