Friday, August 14, 2026
HomeWararGudahaXuutiyiinta Yaman oo hanjabaad u jeediyay joogitaanka ciidanka iyo sirdoonka Israa’iil ee...

Xuutiyiinta Yaman oo hanjabaad u jeediyay joogitaanka ciidanka iyo sirdoonka Israa’iil ee Soomaaliya

Masuul sare oo ka tirsan xuutiyiinta yaman ayaa ka digay in kooxda ay bartilmaameedsan doonto wixii ciidan ama sirdoon Israeli ah oo ku sugan Soomaaliya iyo meelo kale oo u dhow xuduudaha Yaman, iyadoo xiisadaha Badda Cas iyo agagaarka marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab ay kor u kaceen.

Mohammad al-Bukhaiti, oo ka tirsan xafiiska siyaasadda ee xuutiyiinta ayaa hadalkan sheegay , sida ay waraysatay wakaaladda wararka ee Iran ee Tasnim. Hadaladiisa ayaa yimid ka dib markii Israel ay aqoonsatay Somaliland sidii dowlad madax-bannaan, tallaabo kor u qaaday xiisadaha gobolka isla markaana ka horyimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Al-Bukhaiti wuxuu sheegay in xuutiyiinta ay u arki doonaan joogitaanka milateri ama sirdoon ee Israa’iil meelaha u dhow Yemen sidii bartilmaameed suurtagal ah. Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Somaliland ay raadineyso aqoonsi caalami ah tan iyo markii ay ka sheegatay madaxbanaanida Soomaaliya sanadkii 1991.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay diidaysaa sheegashada madaxbanaanida Somaliland waxayna ka soo horjeeddaa aqoonsiga Israa’iil ee dhulkaasi, iyo sidoo kale dadaallada dalalka kale ee raacaya talada Israa’iil.

Badda Cas iyo Marin Bab al-Mandab waa wadooyin maraakiib oo istiraatiiji ah oo isku xidha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Biyahaas sidoo kale waxay noqdeen goob dagaal oo weyn oo ay ku lug leeyihiin Houthis, Israel iyo awoodaha kale ee gobolka iyo caalamiga ah.

Khatarta waxay timid kadib weerarlagu qaaday markab xamuul ah oo ku sugnaa Badda Cas, kaas oo lagu dilay lix qof isla markaana lagu dhaawacay 10 kale dhowr maalmood ka hor, sida warbixinnadu sheegayaan. xuutiyiinta waxay sheegeen in markabku wadayy qalab militari oo Sucuudiyaan ah.
xuutiyiinta ayaa gacanta ku haya qayb badan oo ka mid ah waqooyiga-galbeed ee Yemen, waxaa marar badan isku dhaca la galay dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, oo si weyn uga shaqeysa magaalada dekedda koonfureed ee Aden ka dib markii Houthis-ku qabsadeen caasimadda, Sanaa.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe