Friday, August 14, 2026
HomeWararGudahaPuntland oo ku eedeysay Villa Somalia qorshe colaad looga abuurayo Gaalkacyo

Puntland oo ku eedeysay Villa Somalia qorshe colaad looga abuurayo Gaalkacyo

Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeysay inay waddo qorshayaal ay sheegtay in colaad horleh looga abuuri karo gobolka Mudug, xilli Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku wajahan yahay deegaannada maamulka Galmudug.

Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqday maamulka Galmudug iyo shacabka ku nool Koonfurta Gaalkacyo inay ilaaliyaan nabadda iyo xasilloonida magaalada, isla markaana aysan oggolaan in Gaalkacyo loo adeegsado arrimo siyaasadeed oo sababi kara xiisad horleh.

Puntland ayaa sheegtay inay gudanayso waajibaadkeeda ku aaddan ilaalinta nabadgelyada iyo midnimada shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

War kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in si dhow ula socoto waxa ay ku tilmaantay “abaabul qorshaysan” oo ay sheegtay inuu ka socdo magaalada, iyadoo sidoo kale ka digtay safarka xasan sheeikh uu ku tagayo Koonfurta Gaalkacyo.

Waxay sheegtay Puntland inay ka walaacsan tahay in xasan sheikh loo adeegsado abuurista xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhacda Gaalkacyo, oo ay tilmaantay inay si nabad iyo xasillooni leh ugu wada nool yihiin bulshada ku kala nool labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.

“Dowladda Puntland waxay si dhow ula socotaa abaabulka qorshaysan ee socda, waxaana ka digaynaa qorshaha safarka uu ku imaanayo Koonfurta Gaalkacyo ee Dowladda Galmudug, kaas oo aan ka walaacsannahay inuu fidin iyo colaad ka abuuro magaalada Gaalkacyo,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Puntland.

Puntland ayaa ugu dambeyn ku celisay baaqeeda ku aaddan ilaalinta nabadda, iyadoo dhinacyada ay khusayso ugu baaqday inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta dib u soo noqoshada xiisadaha iyo colaadaha gobolka Mudug.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe