Thursday, June 4, 2026
HomeWararGudahaXukuumadda oo Muqdisho ka daahfurtay shir looga hadlaya Xasilinta

Xukuumadda oo Muqdisho ka daahfurtay shir looga hadlaya Xasilinta

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS  Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta Muqdisho ka furay Kulan looga hadlaya Xasilinta iyo soo kabashada deegaannadii laga laga wareegay Al-Shabaab.

Shirkan ayaa inta uu socdo lagu lafa-gurayaa dardar-gelinta dadaallada ku saabsan xasillinta iyo dib-u-xoreynta goobaha ay wali ku sugan yihiin Al-Shabaab iyo sidii loo midayn lahaa taageerada kala duwan ee dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ay gaarsiinayaan deegaannadii la xoreeyey. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Saalax oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda uu Barnaamijkani u leeyahay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan soo kabashada goobahii lagala wareegay Al-Shabaab ee u baahan in la gaarsiiyo adeegyadii guud ee dowliga ahaa.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xoreynta iyo Xasillinta dalku ay yihiin arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran, isaga oo la wadaagay saaxiibbada Caalamiga ah aragtida dowladda ee lagu gaari karo hiigsigaasi. Ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe