Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Fedreaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa xalay kormeer ugu tagay xarun Ciidan oo ku taalla Magaalada Muqdisho, ayna ku sugnaayeen Ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira Millitari, Boolis iyo Asluub.
Kormeerka Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka waxaa ku wehlinayay Wasiiro, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeya Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobe iyo xubno kale, waxaana halkaasi lagu qabtay Munaasabad kooban oo lagu soo bandhigayay Cidankan.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay Ciidamadan in ay si wadajir ah uga shaqeynayaan sugidda ammaanka, si looga hortago falalka ka baxsan ammaanka.
“Xafladan walaaleynta ah ee isku xirka Ciidanka xoogga dalka waxay muujineysaa awood Millitari, Ciidanka waa cid kaleiya aynu ku seexano, waa cida keliya ee inagala shaqeyneysa amniga, hadi la wada shaqeeyo meel baa la gaarayaa, ammaanka Magaalada ayay sugayaan, waxayna la jihaadeynaa Nabad diidka.” Ayuu yiri R.W Kuxigeenka.
Ammaanka Magaalada Muqdisho Ayaan Wali Ahayn Midla,isku Halayn Karo , ururka Al-shabaab ayaana kordhiyay dilalka ay u geysanayaan Askarta iyo dadka kale ee la shaqeeya Dowladda, balse waxaa socda Howlgallo amniga Magaalada ay ku xaqiijinayaan Ciidamada.