Home Warar Xubno Katirsan Aqalka Sare Oo Kaqayb Galay Shirka Baarlamaanada Aduunka

Xubno Katirsan Aqalka Sare Oo Kaqayb Galay Shirka Baarlamaanada Aduunka

240

Waxaa lagu soo gabo-gabeeyay magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan shirka 5aad ee Xildhibaanadda Adduunka (Fifth Global Conference of Young Parliamenterians). Shirkan waxaa si wadajir ah usoo Qaban qabanqaabiyay Midowga Baarlamaanka Adduunka (IPU) iyo Baarlamaanka dalka Azerbaijan.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimaha dhalinyarada dunida, caqabadaha hasyta iyo sidii kor loogu qaadi lahaa saamiga dhalinyarada ee Baarlamaanada dunida.

Boqolkiiba labo (2%) kaliya ayaa lagu
qiyaasaa hadda dhinyarada xildhibaanada ee baarlamaanada kala duwan ee  dunida.

Sidoo kale qodobada looga hadlay waxaa ka mid ahaa dowlad wanaagga ,isbaddalka Cimilada Adduunka (Climate Change) iyo doorka dhalinta.

Senator Hodan Osman iyo Senator Saciid oo ka socday Aqalka Sare ee dalka ayaa ku matalay Baarlamaanka Soomaaliya shirkan oo muddo labo maalin  ka socday dalka Azerbaijan.