Tuesday, March 18, 2025
HomeWararKenya Airways oo Bilaabaysay Duulimaadyadeeda Muqdisho iyo Nairobi

Kenya Airways oo Bilaabaysay Duulimaadyadeeda Muqdisho iyo Nairobi

Sarkaal u hadlay Sharikadda diyaaradaha Dalka Kenya, ayaa sheegay in duuulimaadka diyaaradda ee Muqdisho iyo Nairobi uu dib u billaabanayo.

Duullimaadka Sharikaddan ee Muqdisho iyo Nairobi ayuu qorshuhu aha ain uu billowdo 15kii Bishii November ee la soo dhaafay laakiin Kenya Airways ayaa sheegay in is fahamwaa  iyada iyo dowladda Soomaaliya soo kala dhexgalay dib loo dhigay.

Agaasimaha Kenya Airways , Sebastian Mikosz, ayaa sheegay in ay hadda heshiis la gaareen sharikadda ALS oo ahsharikad laga leeyahay Kenya taas uu ruqsadda ceymiska siisa sharikadaha diyaaradaha ee Muqdisho iyo Nairobi.

“Kenya Airways iyo  ALS, waxaa ay horay uga soo wada shaqeeyeen duullimaadyada Nairobi iyo Lokichogio.” Ayuu yiri agaasimaha.

Diyaaradda ay adeegsan doonto Kenya Airways duullimaadkeeda Muqdisho waxaa lagu sheegay  Embraer 145, oo markiiba qaadi karta 50 Qof.

Diyaaraddan ayaa safarkeeda Garoomada Jomo Kenyatta iyo Aadan Cadde waxaa uu qaadanayaa 45 Daqiiqo kali ah.

Isha: Daily Nation 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe