Wednesday, April 29, 2026
HomeWararXilka Qaadis lagu sameeyay Qaar Kamida Masuuliyiinta Dagmooyinka Gobolka Banaadir

Xilka Qaadis lagu sameeyay Qaar Kamida Masuuliyiinta Dagmooyinka Gobolka Banaadir

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan yariisow ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa uu xilalkii ka qaaday Mas’uuliyiin ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir sidda ay war baahinta  u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkii xilalka laga qaaday.

Tan iyo Bishii Ramadaan waxaa gobolka Banaadir ka socotay Magacaabis iyo xilka ka qaadis lagu sameynaayay Mas’uuliyiintii horay xilalka u haayay.

Maalintii shalay aheyd waxaa xilalkii laga qaaday guddoomiye ku xigeenadii iyo Xogheynadii degmooyinka Kaaraan Hilwaa iyo Yaaqshiid .

Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday  ayaa ah Gudoomiye ku xigeenada Arrimaha bulshadda iyo Amniga iyo Siyaasadda.

Waxaa sidoo kale jira Isbadel lagu sameeyay qaar ka mid ah Gudoomiye waaxeedyadda degmooyinka Muqdisho, waxaana markii ugu horreysay loo dhiibay dhalinyaro da’yar.

Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale waxaa jira Mas’uuliyiin kale oo xilka laga qaadi doono sidda ay sheegeen ilo lagu kalsoonaankaro.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe