Saturday, March 15, 2025
HomeWararXildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya kulan

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta yeelanaya kulan

Sida uu qorshaha yahay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay yeelanayaan kulankoodii caadiga ahaa.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa xildhibaanada loogu qeybin doonaa Hindise sharciyeedka hawlgabka iyo xaqsiinta ciidamada.

Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay maanta hortagaan mudanayaasha, si ay uga hor sharaxaan hindise sharciyeedkan ah hawlgabka iyo xaqsiinta ciidamada.

Aqrintanta hindise sharciyeedkan maanta waxa uu yahay midkii labaad, waxaana aqrinta Saddexaad uu mari doonaa kulankan kan xiga ee Baarlamaanka ay yaalan doonaan.

Sida caadada aheyd ciidamada booliska Soomaaliya ayaa xiray wadada hormarta xarunta Golaha Shacabka, waxayna halkaasi u diidayaan gaadiidka yar-yar ee maalmaha kale halkaasi isticmaala, marka laga reebo gaadiidka wata aqoonsiyada dowladda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe