Sunday, January 19, 2025
HomeBarnaamijyadaXildhibaan Mahadsalaad Oo Beeniyay Kiiska COVID-19 Ee ay shaacisay DFS.

Xildhibaan Mahadsalaad Oo Beeniyay Kiiska COVID-19 Ee ay shaacisay DFS.

Muqdisho:-Xildhibaan Mahad salaad oo Kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Su,aal galiyay Kiiska Coronavirus Ee DFS ay sheegtay in maanta laga helay Dalka.

Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in shaqsiga ay Dawlada sheegtay in kiiskaan laga helay uu yahay mid kamid ah askartii tababrka uga soolaabatay Dalka Talyaaniga Oo mudo 9-maalmood ah lakaraantiilay aysana jirin wax Calaamo kusaabsan Coronavirus oo laga helay kiiskaas.

Qoraal uu Bartiisa Facebook kusoo daabacay Xildhibaanka ayaa waxa uu kuyiri:-

“Waxaan mardhow wada hadalnay wiilka la yiri waxaad qabtaa caabuqa Coronavirus wuxuu ii sheegay in uusan arag wax calaamad ah oo muujinaya in uu qabo xanuunkaan. Wiilkaan ayaa ka mid ah dhalinyaradii saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee tababarka u aaday dalka Talyaaniga oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Mogadishu, mudo 9 beri ah ayuuna meel ku karantiilnaa isaga iyo dhalinyaradii la socday.

Haddaba, su’aashu waxay tahay qof 9 maalmood meel ku karantiilnaa, ilaa hadana wax calaamad ah oo muujinaya in uu qabo xanuunkaas aysan jirin sidee loo dhihi karaa waad xanuunsan tahay. Sidoo kale sida Wasaarada Caafimaadka noo sheegtay qalab lagu baaro cudurkaan ma yaalo Soomaaliya marka sidee ku ogaadeen?”

Waxa ii muuqda cudurkaan in uu noqday mashruuc lagu qaraabanayo oo la rabo aduunka in lacag looga cuno, mana ahan wax la aqbali karo in dadka Soomaaliyeed la argagax geliyo si dhaqaale looga sameeyo. Sidaas daraadeed waxaan ku talinayaa saraakiisha Wasaarada Caafimaadka ee arintaan sheegay in aan looga harin sheegashadooda ee baaritaan dheeri ah la sameeyo!”

Hadalka Xildhibaanka ayaa waxa uu kusoo aadayaa Xili maanta wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ay shaacisay in kiiskii 2-aad Oo Coronavirus ah laga helay Dalk.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe