Muqdisho:-Sida ay shaacisay Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya waxaa maanta magaalada muqdisho Ee caasimada dalka laga helay kiiskii 2-aad oo Coronavirus ah.
Shaqsigaani laga helay cudurka ayaa ah Muwaadin Soomaaliyeed oo Kasoo safray Dalka Talyaaniga Maalmihii ugu Dambeeyayna lagu hayay Magaalada Muqdisho si loohubiyo Xaaladiisa Caafimaad.
Wasiirka wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Fawsiya abuukar nuur ayaa Xaqiijisay Kiiskaan Oo noqonaya kii 2-aad Oo COVID-19 ah lagana helo dalkeena hooyo Ee soomaaliya.
Qoraal Kooban Oo lagu Daabacay Warbaahinta Qaranka Laguna xaqiijinayay Kiiskaan ayaa lagu yiri
“Wasiirka caafimaadka dalka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa ku dhawaaqday in qofkii labaad laga helay cudurka Carona Virus, mawaadin ka yimid dalka Talyaaniga oo maalmo la hayay”