Monday, May 4, 2026
HomeWararXildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo la dhaawacay

Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo la dhaawacay

uldaan Saleebaan (Habaar) oo kamid ah Odayaasha Dhaqanka Somaliland ayaa la sheegay inuu gacanta ula tegay Xildhibaan Axmed-nuur Guruuje oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland.

Xildhibaan Axmed-nuur Guruuje ayaa la sheegay in haatan lagu dabiibayo isbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, kadib markii dhaawac uu kasoo gaaray Madaxa.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhaca xildhibaan Guruuje iyo Suldaan Saleebaan ay sabab u ahayd hadallo ay isku waydaarsadeen kal hore  warbaahinta.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Soomaaliland oo ka hadlayy dhaawaca Xildhibaanka ayaa cambaareeyay, waxaana uu sheegay in falkaasi uu yahay qalad laga galay guud ahaan Golaha Wakiilada Somaliland.

Waxaa uu sheegay in falka lagu dhaawacay Xildhibaan Garuuje uu yahay mid xad gudub ah, waxaana uu dalbaday in maxkamad la horgeeyo Suldaan Saleebaan (Habaar) oo falkaasi geystay

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe