Saturday, March 22, 2025
HomeWararXildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Soomaaliland Oo Geeriyooday

Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Soomaaliland Oo Geeriyooday

Waxa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil oo ka mid ahaa aasaasayaashii Golaha Guurtidda Somaliland.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa xildhibaannadii Golaha Guurtida ee kaalinta weyn ka qaatay halgankii dib u xoraynta dalka, nabadayntii iyo dawlad dhiskii Somaliland, isaga oo sidoo kalena kaalin weyn ka ciyaaray dedaaladii loogu jiray horumarinta dalka.

Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida Somaliland Garyaqaan C/naasirAaden Beegsi ayaa Wakaalada Wararka ee SOLNA, u sheegay in marxuunku uu ahaa tiir weyn oo ka baxay Golaha Guurtida, isla markaana uu ka mid ahaa xubihii faro ku tiriska ahaa ee lagu aasaasay Golaha Guurtida xilligii halgankii dib u xoraynta dalku uu socday dabayaaqadii Siddeetamaadkii.

Geesta kalena, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aaden ayaa qoyska, qaraabada iyo shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey geerida Marxuun Xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil, waxaanu ilaahay uga baryey in uun jannooyinkiisa ku casuumo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe