Sunday, March 23, 2025
HomeDhageysiDhageyso:- Dawladda Oo Faah-Faahin Ka Bixisay Shatiyo Ay Siisay Shirkado Ganacsi

Dhageyso:- Dawladda Oo Faah-Faahin Ka Bixisay Shatiyo Ay Siisay Shirkado Ganacsi

Cabdullahi Bidhaan Warsame Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Khayraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya oo Xafiiskiisa  Saxaafadda Kula hadlayay ayaa ka warbixiyay dhawaan Shirkado ay shati siisay Wasaaraddu.

Shir jaraaid uu maanta ku qabtay Muqdisho ayuu kaga hadlayay dadaalka wasaaradd ay ugu jirto horumarinta howlaha horyaala.

“Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowladda federalka Soomaaliya waxay si daah furan u bixisay wajigii koowaad ee bixinta shatiga Kalluumaysiga iyadoona lagu bilaabay 31 Shirkadood oo laga leeyahay Dalkaas Shiinaha kuwaas oo baahi wayn u qaba Kalluunka nooca loo yaqaan Tuna-ha oo badena ku badan”. Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddu ay qorshaynayso inay u raadinayso khayraadka Kalluunkeena Maalgelin iyo suuq-gayn Wadamada deriska nala ah iyo dalal kale oo caalamka kamid ah. .

Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame Wasiir Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Soomaaliya ayaa intaas ku daray in aysan Waxba ka Jirin hadalada dadku Isla dhexmarayaan ee sheegaya in Wasaaraddu ay shatiyo siisay Maraakiibta wax Xaalufiya,kuwaasi oo  lidi ku ah Sharciga Kalluumaysiga ee Baarlamaanka meel mariyay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe