Tuesday, June 23, 2026
HomeWararGudahaXiisadda ka taagan Koofur Galbeed oo saamaysay Gargaarka bani aadamnimo & qoysaska...

Xiisadda ka taagan Koofur Galbeed oo saamaysay Gargaarka bani aadamnimo & qoysaska Barakacayaasha ah

Xiisadda ka taagan deegaanno dhowr ah oo Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed katirsan uguna horraysa Magaalada Baydhabo waxa ay saamayn taban ku reebtay arrimaha Gargaarka bani aadamnimo iyo qoysaska barakacayaasha oo qudhooda cabsi soo wajahday.

Qoysaska Barakacayaasha ah ee Duleedka Magaalada Baydhabo ku sugan ayaa qudhooda waxa ay gaabis ka dareemeen kaalmadii koobnayd ee loo gayn jiray halka deegaannada qaar ay noqdeen furimo dagaal oo ay isku hor fadhiyaan dhinacyada hubaysan.

Xiisadda sii daba-dheeraatay ayaa saamayn kale kusii yeelatay Dadkaan ku go’doonsan Magaalada Baydhabo ee deegaan ahaan kasoo jeedin Magaaladaas balse u tagay arrimo shaqo sida ay qaarkood inoo sheegeen.

Waxaa gaabis uu u yimid dedaalladii lagu doonayay in lagu qaban-qaabiyo kulan weyne Beesha Caalamka loogu soo bandhigi lahaa xaaladaha bani aadamnimo ee Koofur Galbeed iyada oo arrintaas ay duugtay xiisadda siyaasadeed ee soo korortay.

Barakacayaasha ku sugan Gudaha iyo bannaanka Magaalada Baydhabo ayaa wajahaya xaalado dhinaca nolosha ah maadaama wax la’aan iyo colaad isugu darsantay kana mashquuleen dadkii caawinayay xeryaha ay degen yihiin sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo xilkas ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe