Wararka saakay ka imaanaya Tuulooyinka Maandheere iyo koongo ee Degmada Jowhar waxa ay sheegayaan in xiisad ka dhalatay dagaal shalay galab ka dhacay ay ka taagan tahay.
Dagaalka ayaa salka ku haya dhul daaqsin ah oo ay labadaan dhinac isku hayaan, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyootay 2 qof oo kamid ahaa dhinacyadii dagaalamay, halka ay ku dhaawacmeen labo kale.
Dagaalka ayaa si iskiis ah u istaagay sida illo wareedyo ku sugan Jowhar ay  sheegeen, waxaana saakay socda dhaq-dhaqaaqyo labada dhinac ay kala wadaan.
Dadka deegaanka ayaa qaarkood xalay isaga cararay Tuulooyinka Maandheere iyo Koongo si aan Colaadda labada dhinac u saameyn.
Dulka la isku heysto ayaa ah dhul daaqsin ah oo dhinac waliba uu sheegayo maamulka ama milkiyadiisa.
Ma jirto cid kala dhex gashay, waxaana wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ay sheegayaan in Maamulka Hir-Shabeelle uu qorsheynayo sidii uu ciidan kala dhex gala ugu diri lahaa Deegaankaas.
Dagaal beeleedyada u dhaxeeyo maleeshiyaadka Xoolo dhaqatada iyo Beeraleyda ah ayaa kusoo noq noqday Tuulooyinka Hoos taga Degmada Jowhar, waxyeelada ugu badan waxa ay gaartaa dadka shacabka.