Home Warar Mareykanka:- Gabdho Soomaali Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaari

Mareykanka:- Gabdho Soomaali Ah Oo Ku Geeriyooday Shil Gaari

537

Ugu yaraan 3 Qof ayaa ku geeriyootay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii dhowr Gaari ay isku dhaceen Magaalada Columbus ee Dalka Mareykanka.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Amaal Maxamed iyo Anisa C/kariin oo Soomaali ah iyo qof saddexaad oo magaciisa lagu sheegay Gabriel Reid Akomeah.

Mid ka mid ah Wadayaasha Gaadiidkaayaa gaarigiisa ku dhuftay darbi,waxaana ku xigay Gaadiidkii kale oo iyana ku sii wada dhacay Gaariga hore.

Waxaa ka dhashay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca kuwo kale sida ay sheegeen Booliska Magaalada Columbus qof ka mid ah dadka dhaawaca ah oo Isbitaalka ku jira ayaa laga deyrinayaa xaaladdiisa nololeed.

Shil kale ayaa isla waddadaas ka dhacay,waxaana uu ka dhashay Gaari kuwa waaweyn ah oo waddada ka baxay,kaas oo xilliga shilka ay Boolisku sheegeen in uusan ku jirin darawalkii wadayay.

Booliska ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan waxa sababay labada shil oo midka hore ay ka dhalatay dhimashada saddex Qof oo Rayid ah.