Home Warar Xeer Ilaalinta Hirshabeele oo Bixisay Amar Lagu Soo Xirayo Hirshabeele

Xeer Ilaalinta Hirshabeele oo Bixisay Amar Lagu Soo Xirayo Hirshabeele

116
????????????????????????????????????

Warqad kasoo baxday Xafiiska xeer ilaaliyaha Maamulka Hir-Shabeelle  Cabdulaahi Maxamuud Gacal ayaa waxaa lagu amray in lagu soo xiro guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee dhawaan xilka laga qaaday balse diiday ee Yuusuf Axmed hagar (Dabageed).

Qoraalka ayaa lagu cadeeyay in Yuusuf Dabageed loo heysto fal dambiyeed ay mid yihiin ku xadgudub dastuurka Hirshabelle,abaabulid dagaal sokeeye,kutumasho astaan dowlad goboleed iyo mid qarameed iyo kuwo kale.

Amarkaan uu bixiyay xeer ilaaliyaha Maamulka Hir-Shabeelle  Cabdulaahi Maxamuud Gacal ee lagu soo xirayo Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya xilli Maanta duleedka Baladweyne ku dagaalameen Ciidamo taabacsan iyo kuwa ka tirsan booliska Hir-Shabeelle.