Madaxweynihii hore Somaliya Xasan Sh Maxamuud oo ka hadlay dadkii xalay lagu laayay Gaalkacyo hadalkan ayuu soo dhigay bartiisa Facebook
أنا لله واِنااليه راجعون.
Waa wax laga naxo in dad gaarayo 10 qofood lagu dilay magaalada Gaalkacyo hal habeen sabab kasta oo loo tiiriyo e, waana cambaareynayaa falkaas foosha xun iyo dadkii ka dambeeyayba.
Waxaan u tacsiyeynayaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaas. Waxaan ku adkeynayaa maamulka Galmudug iyo waxgaradka reer Galmudug guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa reer Galkacyo iney ka wada shaqeeyaan sidii gacan ku dhiiglayaaaha loo hor keeni lahaa sharciga si cadaaladu u shaqeyso.

