Madaxweynihii hore Galmudug Cabdikariin Xusen Guuled oo ka hadlay dadkii xalay lagu laayay Gaalkacyo
Guuled ayaa hadalkan kusoo qoray bartiisa Facebook
Waxaan canbaareynayaa dilalka foosha xun ee labada waji leh ee loogeystay dad gaaraya ilaa 10 qof ee caawa ka dhacay magaalada Gaalkacyo kuwaaas oo loo geystay dadka aan waxba galabsan, waxaan waxgaradka iyo masuuliinta reer Gaalkacyo iyo Galmudugba u soo jeedinayaa uguna baaqayaa inay dadkii dilkaasi geystay soo qabtaan cadaaladdana hor keenaan, marna sax ma aha in dhib dhacay loo aaneeyo dushana laga saaro gowmiyad iyo dad Soomaaliyeed ee meel daga.
Waxaan dadka kale ee reer Koofur Galbeed u soo jeedin lahaa inay is dajiyaan dulqaadna muujiyaan.
Alaha u naxariisto intii ku dhimatay mashaqadaas, sabir iyo iimaana eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeena rabi ha ka siiyo.