Saturday, August 15, 2026
HomeWararGudahaXarunta Xisbiga JSP ee Muqdisho oo laga jartay korontada iyo biyaha

Xarunta Xisbiga JSP ee Muqdisho oo laga jartay korontada iyo biyaha

Xaalad dhaqaale iyo maamul xumo ayaa la sheegay inay ka jirto xarunta Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee magaalada Muqdisho taas oo dhalisay hadal-hayn, kaddib markii xubno sare oo xisbiga ka tirsan ay sheegeen in xarunta laga jaray adeegyada korontada iyo biyaha.

Sida ay xubnahaasi sheegeen, xarunta xisbiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa ka jiray caqabado la xiriira adeegyada aasaasiga ah, iyadoo la sheegay in korontada iyo biyaha laga joojiyay xarunta.

Xubnaha ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha joogtada ah, ciidamada ilaalada iyo shaqaalaha nadaafadda aan la siin xuquuqdii ay lahaayeen muddo dhowr bilood ah.

Sida xogta ay xubnaha xisbiga sheegeen, shaqaalaha ka howlgala xarunta ayaa ka cabanaya dib u dhac ku yimid lacagaha iyo xuquuqaha shaqo.

Shaqaalaha nadaafadda iyo kuwa kale ee joogtada ah ayaa la sheegay inay muddo sugayeen lacagihii ay ku shaqaysan jireen, iyadoo xaaladdaasi ay saameyn ku yeelatay shaqadooda iyo noloshooda maalinlaha ah.

Arrintan ayaa waxay noqon kartaa caqabad ku timid maamulka iyo howlaha maalinlaha ah ee xarunta xisbiga.

Adeegyada korontada iyo biyaha ayaa muhiim u ah xarun ay ka socdaan hawlo siyaasadeed iyo kuwo maamul.

Xubnaha xogta bixiyay waxay sheegeen in adeegyadaasi la joojiyay, taasoo keentay in xarunta ay ku soo korartay xaalad adag.

korontada iyo biyaha Haddii ay muddo sii maqnaadaan, waxaa saameyn ku yeelan kara shaqada xafiisyada, nadaafadda xarunta iyo howlaha kale ee maalinlaha ah.

weli ma cadda sababta rasmiga ah ee keentay in adeegyadaasi la joojiyo iyo cidda mas’uulka ka ah kharashaadka aan la bixin.

Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) wuxuu ka mid yahay ururada siyaasadeed ee lagu muransanyahay ah ee Soomaaliya, waxaana xisbiga looga baahan yahay inuu yeesho awood maamul iyo dhaqaale oo joogto ah si uu u sii wado howlaha siyaasadeed.

Xisbiga ayaa xilligan ku jira marxalad siyaasadeed oo muhiim ah, iyadoo Soomaaliya ay culeysyo isbeddello siyaasadeed iyo dood ku saabsan doorashooyinka iyo mustaqbalka nidaamka siyaasadeed.

Shaqaalaha ka howlgala hay’ad ama xisbi siyaasadeed waxay leeyihiin xuquuq shaqo oo ay tahay in la ilaaliyo.

Haddii shaqaalaha xarunta JSP ay muddo dhowr bilood ah waayeen lacagihii ama xuquuqihii ay lahaayeen, waxaa muhiim ah in maamulka xisbiga uu arrintaas si cad uga jawaabo, isla markaana uu sharaxo sababta keentay dib u dhaca.

Sidoo kale, waxaa muhiim ah in shaqaalaha la siiyo xog rasmi ah oo ku saabsan goorta iyo sida loo bixinayo xuquuqdooda.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe