Xaflada caawa ka socota Dhuusamareeb ee lagu soo xirayo shirka dib u heshiisiinta ayaa la diiday in toos loo tabiyo
Kooxda baratikoolka xaflada ayaa sidoo wariyaasha madaxa banaan ka joojiyay in ay duuban muuqaalada
Wararka ayaa sheegaya in laga cabsi qabo qaarkamid ah odayaasha ay khudbooyinkooda ku sheegaan in dib u heshiisiin meesha ka dhicin laguna soo hadal qaadin
Sidoo kale warar ayaa sheegaya in khudbada madaxweynaha laga cabsi qabo in hadal heyno kala duwan kasoo baxaan maadama la filayo in madaxweyne Farmaajo jeediyo khudbad dhinacyo badan
Wariyaasha dowlada oo kaliya ayaa loo ogolaaday inay duuban muuqaalada

