Home Warar Xabsiga Godka Jilicow Oo Gabi ahaan Albaabada La,iskugu dhuftay

Xabsiga Godka Jilicow Oo Gabi ahaan Albaabada La,iskugu dhuftay

450

Xabsiga Godka Jilicow ayaa Maanta Albaabada La,iskugu dhuftay Sida ay sheegayaan Wararka Aan Kahelayno Magaalada Muqdisho Ee Codka Gobolada Dhexe.

Wasiirka Amiga Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Caddaaladda oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xabsiga Godka Jilacow magaca laga beddelay.

Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in hadda kaddib Xarunta Xabsiga Godka Jilacow laga dhigay Xero tababar oo Ciidamada Nabad sugidda ay wax ku baran doonaan.

Wasiir Islow ayaa sheegay in Ciidamada nabad Sugidda la bari doono xuquuqda aadanaha iyo xirfad dhisidda maxaabiista.

Agaasimaha qeybta Warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya C/Nuur Maxamed ayaa sidoo kale bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Maxaabiista la barayo habka nolosha iyo xirafado cusub.

Waxaa uu sheegay in qorshaha lagu xiray Godka Jilacow ee looga dhigay Xarun tababar ciidan ay tahay dib u habeynta lagu sameynayo Ciidamada Soomaaliya.